Maxkamada CXDS oo amartay in lasoo qabto kooxihii shacabka ku dilay Galgaduud

by admin | Friday, Jan 15, 2021 | 470 views

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ee darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku amray ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Galmudug in ay gacanta kusoo dhigaan kooxaha dilalka ka geysta gobolka Galgaduud.
Gudoomiyaha ayaa amar ku bixiyay in lasoo qabto oo caddaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay dilkii dhawaan loogu geystay degaan hoos yimaada degmada Balanbale shan qof oo shacab ah.

Waxaa uu tilmaamay in sidoo kale lasoo qabto kooxihii dilay lix sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.
Gudoomiyaha ayaa dhanka kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay howlgalin doonto ciidamo gaar ah oo loogu tala galay in ay la shaqeeyan Maxkamaddaha si loo soo qabto dambilayaasha.

Like it? Share it!

Leave A Response