Meydka Wiil yar oo lagu arkay Muqdisho.

by admin | Saturday, Sep 22, 2018 | 884 views

Wararka laga helayo Xaafada Jungal  ee Degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir ayaa sheegaya in Xalay meydka Wiil yar lagu arkay xaafadaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay  in  wiilka Saqiirka ay ka muuqatay Ceeji, taasi oo u muuqata in lagu dilay.
Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sufyaan cusmaan Barre.
Qaar ka mid ah Ehelka wiilka yar ee la dilay ayaa  Sheegay in Maanta ay aaseen wiilkooda.
Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay Booliska Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyeen sababta ka dambeysay in la dilo wiilka Yar.

Like it? Share it!

Leave A Response