GOLAHA SHACABKA OO MAANTA KULMAYA

by admin | Saturday, Sep 22, 2018 | 869 views

Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya Kalfdhiga 4aad  kulankiisa 5aad ee Baarlamaanka 10aad.

Xildhibaannada ayaa maanta kulankooda diiradda ku saaraya dib u eegista xeer hoosaadka Golaha shacabka Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa saddexdii kulan ee kulankan ka horreeyay ka doodayay Amniga Muqdisho,waxaana Guddoonka Golaha shacabka uu Guddiyada difaaca iyo amaanka ee Golaha shacabka amray in ay golaha horkeenaan warbixinta amniga dalka.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa waxaa ay qaarkood dalbadeen in Golaha shacabka ay hor yimaadaan Wasiirka amniga,Ra’isalwasaaraha iyo Taliyayaasha Ciidamada.

Like it? Share it!

Leave A Response