Midowga Yurub oo hakiyay gargaarka cunnada ee Soomaaliya ka dib markuu ogaaday xatooyo baahsan

by admin | Tuesday, Sep 19, 2023 | 95 views

Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii uu siin jirtay hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo ku takrifalka lagu sameeyay gargaarkeeda.

Midowga Yurub ayaa doonayay in dhaqaalaha uu siiyo barnaamijka cuntada adduunka ee Qaramada Midoobay looga hortago macluusha Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa in ka badan 7 milyan oo doollar ku siiyay WFP  sannadkii hore, qayb ka mid ah deeqahaas oo ah in ka badan $1 bilyan oo ay heshay, sida ay muujinayso xogta Qaramada Midoobay.

Balazs Ujvari, oo ah afhayeenka guddiga Yurub, ma xaqiijin mana beenin joojinta ku meel gaadhka ah laakiin wuxuu yiri: “Ilaa hadda, Midowga Yurub lama ogaysiin la-hawlgalayaasheeda Qaraamda Midoobay saamaynta dhaqaale ee mashaariicda uu maalgeliyo Midowga Yurub.

“Si kastaba ha ahaatee, waxaan sii wadi doonaa inaan la soconno xaaladda, waxaanan u hoggaansannahay habkayaga dulqaad-la’aanta ah ee ku wajahan musuqmaasuqa, ama dhaqan-xumada.” ayuu yiri Balazs Ujvari.

WFP kama aysan jawaabin go’aanka kasoo baxay Midowga Yurub.

Mid ka mid ah saraakiisha sare ee Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aanka la qaatay kadib markii baaritaanka Qaramada Midoobay lagu ogaaday in mulkiilayaasha dhulka, maamulka deegaanka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalka ay dhamaantood ku lug lahaayeen xatooyada gargaarka loogu talagalay dadka nugul.

Sarkaalkan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in gargaarka dib loo soo celin doono marka ay WFP buuxiso shuruudo dheeraad ah, sida in la kala shaandheeyo la-hawlgalayaasha ku sugan Soomaaliya.

Baaritaanka ay sameysay Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in barakacayaasha (IDPs) lagu khasbay inay bixiyaan kala bar kaalmada lacagta caddaanka ee WFP ay ka helaan, iyadoo loogu hanjabayo in laga saarayo, la xirayo ama laga saarayo diiwaan-gelinta liisaska ka-faa’iideystayaasha.

Saddex bilood ka hor WFP iyo Hay’adda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) waxay hakiyeen cuntadii gargaar ee ay siin jireen dalka Itoobiya si ay uga jawaabaan deeqaha baahsan ee la leexsado.

Like it? Share it!

Leave A Response