Midowga Yurub oo War kulul kasoo saaray xaaladda dalka iyo Doorashada

by admin | Tuesday, Feb 9, 2021 | 313 views

Midowga Yurub ayaa War kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya oo lagu heshiin waayay, xili uu dhammaaday muddo xilkeedii Madaxweyne Farmaajo.
Qoraal uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Midowga Yurub Josep Borrell ayaa waxaa lagu sheegay in heshiis la’aan lagu qabto doorashada dalka ka dhaceysa ay tahay arrin culeys ah oo marnaba wax dan ah ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir Josep Borrell ayaa sheegay in muhiim ay tahay in xal laga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashooyinka, ayna Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada yeeshaan wada-hadal, si xal looga gaaro hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka.

“Heshiis la’aanta in la qabto doorasho ka dhacda Soomaaliya waa mid aad u culus oo aan dan ugu jirin muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waa muhiim in dhammaan kanqeybgalayaashu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah ula shaqeeyaan si ay uga heshiiyaan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka qaran.
Hoggaamiyeyaasha siyaasaddu waa inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan hirgelinta heshiiskii 17-kii Sebtember” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Midowga Yurub Josep.
Sidoo kale Midowga Yurub ayaa Madaxda dowladda uga digay inay sameeyaan muddo kororsi, sidoo kalena la joogiyo is ber-ber yaaca ka jira doorashada, isla markaana laga fogaado wax kasta oo dib u dhac keeni kara.
“Ismariwaaga siyaasadeed ee hadda jira wuxuu dhaawacayaa kalsoonida Midowga Yurub ee horumarka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka waxaa looga baahan yahay inay xaliyaan ismari waaga siyaasadeed ee qatarta ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashooyin” ayuu sii raaciyey qoraalkiisa Wasiir.
Beesha Caalamka ayaa wada dadaal xoogan oo ay ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashad a ka dhaceysa dalka, iyagoona Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada mar kale wada-hadal ugu baaqay, xili uu dhammaaday muddo xileedkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Like it? Share it!

Leave A Response