Midowga Yurub & Tuniisiya oo ku heshiiyay la dagaalanka tahriibayaasha.

by admin | Monday, Jul 17, 2023 | 180 views

Midowga Yurub iyo Dowladda Tuniisiya ayaa heshiis ku gaaray la dagaalanka tahriibayaasha oo muddooyinkii dambe ay kordheen dadka ku qarqanaya Badda kuwaas oo ka taga Qaaradda Afrika ee ujeedka socodkoodu yahay Dalalka dhaca Yurub.

Xakameynta Qulqulka Tahriibayaasha ka socdaala Waqooyiga Afrika ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee sababta dhimashada badan, welwelka iyo dadka u socda sida tusbax go’ay oo kale ee isaga kala gudbaya Dalalka dhaca Qaaradda Yurub.

EU ayaa dooneysa in ay dedaal xooggan geliso ka gungaarista ololahaan lagula dagaalamayo tahriibayaasha naftooda ku biimeynaya Badda si ay uga sii gudbaan una gaaraan waddanka ugu dhow ee Yurub oo ay uga sii gudbayaan dalalka kale ee bartilmaameedka u ah.

Haweeneyda Madaxweynaha ka ah Midowga Yurub ee lagu magacaabo Ursula Von der Leyen ayaa sheegtay in ka urur ahaan ay diyaar u yihiin in dhaqaale iyo farsamo ahaan ay gacansiiyaan waddankaan carbeed ee Waqooyiga Afrika dhaca.

Kulan afar geesood ah oo dhexmaray Madaxweynaha Midowga Yurub Ursula Von der Leyen, Ra’iisul Wasaaraha Netherland Mark Rutte, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni iyo Madaxweynaha Tunisiya Kais Saied ayaa lagu go’aamiyay iskaashiga afartaan dhinac.

Tahriibayaashii keliya ka safri jiray Dalka Liibiya ayaa kordhay oo waxa ay ka safraan waddamada dhaca Waqooyiga & Galbeedka Qaaradda Afrika si ay mar uun u caga-dhigaan Qaaradda Yurub oo ay u arkaan in ay ku helayaan nolol uga wanaagsan midda dalalkooda.

Todobaayadkii u dambeeyay waxaa kordhay Tahriibayaasha ku dhimanaya Bad weynta iyo xeebaha waddamada qaar ee Yurub kuwaas oo si xad-dhaaf ah u raaca doomaha sida ka muuqata muuqaallo & sawirro laga soo qaaday.

Like it? Share it!

Leave A Response