Shir looga hadlayo hannaanka dib u dhiska nidaamyada Cuntada ee Somalia oo Maanta furmay

by admin | Monday, Jul 17, 2023 | 180 views

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maantay soo agaasintay shirweyne oo looga hadlayey Tubaha Qaran ee ku wajahan hannaanka dib-udhiska nidaamyada Cuntada ee Soomaaliya.

Shirweynahaan Qaran ayaa waxaa daah-furey Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Ahmed Mathobe Nunow, waxaana wasiirku u mahadceliyay wakiilladii ka socday Urur Goboleedka IGAD, Global Network Against Food Crises iyo HDP Nexus Coalition.

Wasiir Axmed Baashi ayaa dul-istaagay dadaaladda wasaaradda beeraha ee ku aadan dardargalinta hiigsiga Qaran iyo dib-u dhiska nidaamka Cuntada waara, kaasoo adkeysi leh, oo loo dhan yahay.

Shirkaan ayaa waxa uu socon doonaa muddo afar bari ah waxana jiri doono doodo badan oo ku aadan caqabada iyo fursaha horyaalo hannaanka dib-udhiska nidaamka cuntada ugu dambayna waxaa laga soo saari doono talooyin wax ku ool ah.

Like it? Share it!

Leave A Response