Musharax Cirro: Maanta xaaladda dalku ku jiro waxaa keliya ee lagaga bixi karaa waa doorashooyin

by admin | Wednesday, Jul 5, 2023 | 187 views

Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in xaalada ay Somaliland ku jirto lagaga bixi karo in la qabto doorashooyin.

Cirro oo arrinta doorashooyinka kaga hadlay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, ayaa xusay in doorashooyin laysla ogolyahay oo Somaliland ka dhacaa, ay xaalada hada wax ka badali doonaan.

“Maanta xaaladda dalku ku jiro waxaa keliya ee lagaga bixi karaa waa doorashooyin wadar-oggol ah oo ay isla oggol yihiin dhammaan daneeyayaashu” ayuu yidhi Cirro. “Awoodda cayimidda doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka Doorashooyinka Qaranka oo ah hay’adda u xil saaran muddeynta doorashooyinka sida xeerarka dalka iyo dastuurku jideynayaan”.

Waxa uu sheegay in qaraarkii ay maxkamadda sare ay sannadkii hore  kasoo saartay doorashooyinku uu sabab u ahaa khilaafka doorashooyinka ee daba dheeraaday ee ilaa maanta aan wali maaro loo helin, waxaanu maxkamada uga digay in ay abuurto muran hor leh.

“Maxkamadda sare waxa aan uga digeynaa in ay dalka ka abuurto khilaaf hor leh oo cusub iyada oo uu dalku ku jiro xaalad adag oo amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo mid bulshaba leh, taas oo waddanka meel xun dhigi doonta mas’uulyadeedana uu qaadi doono guddoomiyaha maxkamadda sare” ayuu yidhi Cirro.

Khilaafka doorashooyinka ayaa in mudo ahba u dhexeeyay xukuumada iyo mucaaradka kaasi oo xataa sababay mudaharaado ay dad ku dhinteen, walina xal looma helin, lamana go’aamin jadwalka doorashooyinka soo food leh.

Like it? Share it!

Leave A Response