Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhiga dhawaan ay wareejiyeen ciidanka ATMIS

by admin | Wednesday, Jul 5, 2023 | 115 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maqribnimadii Xalay ka dhacay deegaanka Geriley ee gobolka Gedo, kaasoo dhexmaray ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhiga deegaanka Geriley oo ka mid ahaa Saldhigyadii ay dhawaan faarujiyeen ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Kenya, waxaana halkaasi gacanta ku hayay maalmahii lasoo dhaafay ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Dagaalka oo ay dadka deegaanka sheegeen inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Jubbalad ay wali gacanta ku hayaan degaanka Geriley oo ka tirsan gobolka Gedo, kadib markii ay iska caabiyeen weerarka Al-shabaab kaga yimid, sida uu warbahainta u xaqiijiyay Wasiirka Amniga maamulka Jubbalad Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal.

Deegaanada maamul goboleedka Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha ay wali sida weyn ugu xoogan yihiin kooxda Al-shabaab, iyadoona halkaas inta badan ka geysta weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah oo ay ku qaadaan fariisimaha ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee ka holwgala deegaanadaas.

Like it? Share it!

Leave A Response