SSC- Khaatuma oo ugu baaqday dowladda Soomaaliya in aysan dhex dhexaad ka noqon dhibaatada lagu hayo shacabka SSC

by admin | Wednesday, Jul 5, 2023 | 212 views

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Isimada SSC- Khaatuma ayaa ku eedeeyay Dowladda federalka Soomaaliya in aysan diyaar u ahayn inay caddayso mowqifkeeda ku aadan dhibaatada lagu hayo shacabk reer SSC.

Garaad Jaamac oo laga wareystay arrimaha Laascaanood ka socda, ayaa sheegay Dowladda federalku inay u dhaqmayso mid labada dhinacba dhex dhexaad u ah oo ay wada raali galiso, sidoo kalena aysan sheegin cidda qaladka iska leh.

“Waxaanu leennahay Dowladda Soomaaliya hakusoo dhowaato caddaalada. Waxaannu leenahay haddaanu qaldanahay dowladdu ha tiraahdo kala go’aa raali ka nahay, idinkaa qaldane ka guura Laascaanood ama ku biira Somaliland. Haddiise Somaliland qaldan tahay, ha yiraahdaan dadkan iyo goboladan dhulkooda uga baxo,” ayuu yiri garaad Jaamac.

Garaadka wuxuu sheegay sida ay hadda u dhaqmayso Dowladda Soomaaliya inay sii fogeynayso xaaladda, islamarkaana ay cid walba isku arkayso inay iyadu saxan tahay.

Wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in Dowladda federalka ay Somaliland ku raali galiso xaq aysan lahayn. wuxuu tilmaamay in aanay jirin dhul iyo gobolo ay ku murasan yihiin, balse cidda dhulkeeda duullaanka lagu yahay ay iyaga yihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response