Muwaadin Soomaaliyeed oo xaaskiisa ku dilay london oo la xukumay

by admin | Saturday, Feb 27, 2021 | 313 views

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Xuseen Yuusuf Cigaal ayaa kamid ahaa Soomaalida degan xaafada Edmonton ee waqooyiga london, waxaana loo hhelay in uu si bareer ah u dilay xaaskiisa.
Xuseen ayaa waxaa ay maxkamad la soo taagay ku heshay danbi ah in uu dilay xaaskiisa Maryan Ismaaciil 6 April sanadkii 2020, waxaana lagu xulumay xabsi daa’in.

Xuseen ayaa maxkamada mar ka sheegay in Cudurka Karoona uu hayay oo xaaskiisa ay tiri Guriga iiga bax oo karoonaha uu waalay uu sidaasi ku dilay xaaskiisa, sidoo kale uu sheegay in uu isdifaacayay.
Danbi baarayaasha qaarkood ayaa sheegay in markii ay arkeen meydka gabadha ay aad uga naxeen sida uu u dilay islamarkaana baaritaankooda uu muujiyay in aanu dagaal dhicin ee gabadha la dilay.
Xuseen oo haatan jira da’da 66 jir, isla markaaana ahaa darawal ayaa qaadan doona xabsi cimrigaa haku furto ah, waxaana soo dhaweeyay xukunkaas Ehellada labada dhinac.

Like it? Share it!

Leave A Response