Muxuu yahay ujeedka Qalbi-Dhagax u tagay Kismaayo?

by admin | Saturday, Aug 17, 2019 | 644 views

Cabdikariim Sheikh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan hoggaanka sare ee Jabhadda ONLF, hadda ka horna dowladda Soomaaliya ay u gacan galisay Dowladda Itoobiya, ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Qalbi-dhagax ayaa waxaa Kismaayo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal dawladda federaalka, Isimada iyo Waxgaradka Jubbaland iyo shacabka ku nool magaalada Kismaayo.

Soo dhaweyn kaddib Qalbi-dhagax waxaa loo gudbiyay Guriga martida magaalada Kismaayo,
halkaas oo caawa ay kulamo uga socdaan isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Imaatinka Kismaayo ee Cabdikariim Qalbi-dhagax ayaa kusoo aadaya, xilli ay Jubbaland ka jirto cakirnaan siyaasadeed.

Magaalada Kismaayo waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed oo aad u xoogan waxaana Todobaad gudihiis looga kala dhawaaqay labo Baarlamaan oo kala taabacsan musharax Madaxweyne Axmed Madoobe oo dhinac ah iyo musharaxiinta kula loolameysa xilka madaxtinimo oo dhinac ah.

Haatan waxaa Kismaayo si weyn looga dareemayaa olole ku aadan doorashada Guddoomiye ay yeeshaan Baarlamaanka garabka Axmed Madoobe iyo tan Madaxweynaha maamulkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response