MW Guudlaawe oo Wasiirka Maaliyadda DG Hir-Shabeelle u magacaabay Cabdiraxiin Ciise Caddow.{AKHRISO}

by admin | Wednesday, Apr 5, 2023 | 195 views

Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Maaliyadda Dowlad-Goboleedkaas Cali Cabdulle Nuur, waxa uu booskaas u magacaabay Cabdiraxiin Ciise Caddow.

Xaanshi kasoo baxday Madaxtooyada Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa lagu sheegay in Wasiir magacaaban ee Wasaaradda Maaliyadda & horumarinta dhaqaalaha DG Hir-Shabeelle laga sugayo hagaajinta dhaqaalaha oo kamid ah ilaha ugu muhiimsan.

Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa lagu wadaa in uu is baddel ku sameeyo qaar kamid ah Wasiiradiisa, qaarkood waxaa loo baddelayaa Wasaarado kale halka qaarka kale baddelkooda la magacaabayo.

Like it? Share it!

Leave A Response