Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay degmada Hodan

by admin | Tuesday, Sep 25, 2018 | 924 views

Kooxo hubeysan ayaa degmada Hodan waxa ay ku dileen nin dhalinyaro oo la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaallaha Mid ka mid ah Shirkaddaha ka shaqeeya Adeegga Internert-ka.

Dilka ayaa ka dhacay Dalcadda Cabdi Qaasim, waxaana ay la sheegay in dilkaasi ay geysteen  kooxo ku hubeysan Bastoolado.

Kooxdii dilka gaysatay ayaa ka baxsatay goobtaasi, waxaana wararka ay sheegayaan in waqti dambe goobta ay gaareen ciidamada ammaanka oo halkaasi ka qaaday maydka ruuxii la dilay.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa faraha ka baxay, waxaana saakay lagu dilay Labo ruux, iyadoona dilalka qaar ay geysteen Kooxo Burcad ah oo damacsanaa.

Like it? Share it!

Leave A Response