NISA oo sheegtay ay qabatay 79-Tan oo ah maadada (Sulfuric Acid) & shaqsiyaad dalka soo geliyay.{AKHRISO}

by admin | Wednesday, Oct 14, 2020 | 429 views

War kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay gacan ka geysteen Hay’adaha ay kala kaashato la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada gacanta ku dhigtay 79 Tan oo ah maadada (Sulfuric Acid).

NISA soomana bandhigin tirada, magacyada iyo muuqa dadka ay u qabatay gudibnta maadada (Sulfuric Acid) oo ah dareere saliid ah oo waa aashito macdan ah oo ka kooban walxaha baaruudda ee Qaraxyada loo adeegsado.

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in la maxkamadeyn doono shaqsiyaadka loo qabtay maadadaan oo wajahaya eedeyn ah in ay u gudbinayaan Al-Shabaab si ay u adeegsato.

“Waxaa gacanta lagu dhigay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey Maafiyada Alshabaab, waxayna wajihi doonaan Sharciga. Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka Aragagixisada” Ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda SIrdoonka Soomaaliya.

Maanta waxaa saddex sano laga joogaa markii Muqdisho uu ka dhacay Qaraxii Soobe oo dadka khubarada ah ay ku sheegeen in loo adeegsaday Kiimikooyin kala duwan, maadaama laga tusaale qaadanayo saameynta dhulka uu gaaray & Khasaaraha ka dhashay.

“Xakameynta Kiimikada Beeraha lagu Bacrimiyo waa badbaadinta Dadka” Siciid Xuseen Ciid.

Like it? Share it!

Leave A Response