NISA oo sheegtay in duqayn ka dhacday Gobolka Hiiraan lagu beegsaday AS.

by admin | Monday, Feb 26, 2024 | 44 views

Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal duqayn ah oo ka dhacay Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Biya-neef ee Galbeedka Degmada Buula-burde.

NISA ayaa sheegtay in duqayntaas oo ay ka gacansiiyeen Saaxiibada Dowladda lagu burburiyay saldhigyo ay leeyihiin ‘AS’ oo ay isku uruursanayeen sida lagu yiri war kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Duqaymaya Diyaaradaha ayaa maalmihii u dambeeyay sii kordhay, Dalal aysan shaacin Dowladda Federaalka Soomaaliya Balse kusoo koobtay in ay yihiin Saaxiibada Caalamiga ah ayay tilmaamtay in duqaymahaas ay ku gacansiiyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response