Norway oo baaq kasoo saartay doorashada Soomaaliya

by admin | Monday, Dec 6, 2021 | 420 views

Warsaxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Norway ay ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu taageeray baaqa ku saabsan in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo loo wada dhan yahay.

Dowladda Norway ayaa sheegtay in la joogo waqtigii laga gudbi lahaa doorashooyinka lana aadi lahaa dhabbaha horumarka iyo dib u habeynta mustaqbalka Soomaaliya.

” Norway waxay aaminsan tahay in xalka muran walba uu yahay wadahadal, waxaana taageereynaa baaqa caalamiga ah ee ah in doorasho xalaal ah, lagu kalsoonaan karo oo nabad ah ay ka dhacdo Soomaaliya,” ayaa lagu daabacay barta safaarada ee Twitter-ka.

Ugu dambeyn Dowladda Norway waxaa ay sheegtay in hadii Soomaaliya ay hesho hoggaan wanaagsan oo la aamini karo ay dadka Soomaaliyeed gaari karaan horumar ballaaran.

Dowladda Norway ayaa waxaa ay kamid tahay dalalka Beesha Caalamka ee la socda doorashada Soomaaliya, waxaana baaqaan kasoo yeeray uu kusoo aadayaa xilli inta badan siyaasiyiinta mucaaradka qaadaceen doorashooyinka Golaha Shacabka ee billowday.

Like it? Share it!

Leave A Response