Puntland: Dayn cafinta Soomaaliya halla hakiyo oo halloo kaadiyo inta heshiis laga gaarayo

by admin | Saturday, Sep 23, 2023 | 128 views

Wasiirka maaliyadda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan in Soomaaliya laga cafiyo daynta, iyadoo aan heshiis loo ahayn siyaasad ahaan, amni ahaan, iyo dhaqaale ahaanba.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay, Puntland inay u aragto qatar weyn in lagu degdego in Soomaaliya deymaha lagu leeyahay laga cafiyo.

Dhabancad wuxuu sheegay, Soomaaliya haddii daynta laga cafiyo in ay dowladdu soo qaadanayso deymo balaayiin ah oo aan heshiis lagu ahayn sida loo qeybsanayo, taasoo uu sheegay in ay keeni karto in la musuq maasuqo.

“Annaga dooddeena waxaa weeye, si looga heshiiyo waxyaabahaan horudhac ah, dayn cafinta halla hakiyo oo halloo kaadiyo. Halla heshiiyo oo Soomaaliya miiska ha isugu timaado. Markii laga heshiiyo aas aaska, dayn cafintu ha dhacdo,” ayuu yiri wasiir Dhabancad.

Wasiirka maaliyadda Puntland wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya kusii jirto habka deeqaha la siiyo, inta laga hubinayo inta dalku heshiis ka yahay waxyaabaha lagu isku khilaafsan yahay ee ku xiran dayn cafinta dalka.

Hadalka wasiirka maaliyadda Puntland, ayaa kusoo aaday, iyadoo hay’adda lacagta adduunka ee IMF ay shaacisay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay sharuudihii ugu dambeeyay ee deymaha looga cafinayo December 2023.

Like it? Share it!

Leave A Response