Qaramada Midoobay oo ka digtay halista ka dhalan karta Tukaabada.

by admin | Wednesday, May 31, 2023 | 117 views

Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loosoo gaabiyo WHO oo warbixin kasoo saartay halista ku hoos qarsan isticmaalka Tubaakada (Sigaarka) ee guud ahaan Caalamka ayaa ku baaqday in la sameeyo olole caalami ah oo looga hortago arrintaan.

War kasoo baxay WHO ayaa lagu sheegay in dad badan ay la qabatimeen isticmaalka Tubaakada kuwaas oo halis caafimaad wajahaya halka sidaas oo kale ay jiraan Dad badan oo uu ku baxay Qiiqa Sigaarka la dhuuqay.

Qaramada Midoobay ayaa sanadkaan ololaheeda kahortagga Tubaakada cinwaan uga dhigtay: “Maalinta Caalamiga ah ee kahortagga Tubaakada, 2023 ma dooneyno Tubaako ee Cunno ayaan u baahanahay.

WHO ayaa sheegtay in dhibaato caafimaad, mid deegaan & tallaab dhagar-jab u ah waxsoosaarka cunnada la beerto in ay ku tahay Tukaabada loona baahan yahay in la sameeyo olole caalami ah si meel looga soo wada jeesto tubaakadu in ay bulshadu ku dhex faafto.

Dhanka kale, daraasad lagu sameeyay Dalka Kenya waxaa lagu ogaaday in ay kordheen Dadka isticmaalka Tubaakada kuwaas oo da’doodu u dhaxeyso 15 sano illaa 65 jir sida lagu sheegay daraasaddaan lasoo bandhigay.

Guddiga Qaran ee ololaha kahortagga Khamriga & Daroogada ayaa sheegay in dad badan ay la qabatimeen (la qabsadeen) walxaha maanka dooriya, Daraagiska & Tubaakada oo dhammaan dhibaato ku ah Caafimaadka Qofka.

Geesta kale, Mareykanka ayaa la shaaciyay in sanadkii cabista sigaarka u naf waayaan dad gaaraya 480,000 (Afar boqol iyo siddeetan kun) oo ruux oo si toos u dhuuqay halka ay ku jiraan 41,000 (Afartan iyo koow kun) oo qof oo si dadban u dhuuqay (lagu ag cabay).

Inkasta oo aan daraasad rasmi ah lagu sameyn Soomaaliya tirada Dadka caba, kuwa tooska u nuugay ee u dhintay iyo kuwa sida dadban neef ahaanta u jiiday balse waxaa jira Dad Dhuuqa Sigaarka iyada oo xitaa ku sugan goobaha Bulshadu ku badan tahay.

Like it? Share it!

Leave A Response