Qaramada Midoobay oo xadideysa shaqaalaheeda magaalada Muqdisho

by admin | Monday, Jan 7, 2019 | 898 views

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyay in ay  xadideysa shaqaalaheeda ka howgala xafiiskeeda magaalada Muqdisho kadib weerar hoobiyaal ah oo lagu qaaday xarunta ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Muqdisho 1dii bishan Janaayo 2019.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in xaaladda Ammaan ee shaqaallaha Qaramada Midoobey ay ku sugan yihiin Soomaaliya ay tahay mid halis ah oo u baahan in si deg deg ah looga jawaabo.

Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay  xarunta Muqdishana ka howlgalayay kuwaasoo iman lahaa Muqdisho 6da iyo 7da bishan lagu amray inaysan tegin Muqdisho oo ay iska xaadiriyaan xafiisyada UNka ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay dhowaan in ay ka xun yihiin in ergeygii uu u magacaabay dalka Soomaaliya ay dowlada Federalka Soomaaliya ay ceyriso,balse waxa uu sheegay in uu magacaabi doono ergey cusub.

Arrintan ay Qaramada Midoobay ku dhaqaaqday ayaa dadka siyaasada u dhuun daloola waxa ay ku tilmaameen inay tahay bilowga jawaab ay Qaramada Midoobay ka bixinayso tallaabadii ay dowlada Soomaaliya ku erisay ergeygii hore ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom.

Like it? Share it!

Leave A Response