Qarax Ismiidaamin ah oo Carruur lagu dilay

by admin | Saturday, Aug 21, 2021 | 253 views

Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday gaari ay la socdeen muwaadiniin Shiinees ah oo ka dhacay Gwadar oo ku taalla gobolka Balochistan ee koonfur -galbeed Pakistan ayaa lagu dilay laba carruur ah, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

Ma jirin sheegatay  mas’uuliyadda weerarkii Jimcihii.

Liaquat Shahwani, oo ah afhayeenka xukuumadda gobolka Balochistan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters “Laba carruur ah ayaa ku dhimatay weerarka, saddexna way ku dhaawacmeen.

Qaraxa ismiidaaminta ayaa ka dhacay wadada East Bay ee magaalada dekedda leh ee Gwadar abaare 7 -da fiidnimo (14:00 GMT). Muwaadiniinta Shiinaha ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, sida lagu sheegay war ka soo baxay booliska.

Dagaalyahannada gooni u goosadka ah ayaa kacdoon hubeysan oo muddo dheer ka waday Balochistan.

Weerarka ayaa yimid ka dib markii weerar bas lagu qaaday gobolka waqooyi-galbeed ee Pakistan ee Khyber-Pakhtunkhwa halkaas oo lagu dilay 13 qof oo ay ku jiraan sagaal shaqaale Shiinaha ah iyo laba askari oo Pakistan ah horaantii bishaan

Like it? Share it!

Leave A Response