Galmudug oo digniin adag u dirtay Kooxaha Isbaarooyinka dhigta

by admin | Saturday, Aug 21, 2021 | 267 views

Wasaarada amniga Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa digniin ka soo saartay Jid-gooyooyin loo dhigto baabuurta Ganacsiga deegaanada Hoos yimaado Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda.

Wasaarada amniga ayaa laamaha amniga Fartay In Talaabo sharciga waafarsan Laga Qaado kuwa dhigto jidgooyooyinka Ee Dhibaataynaayo Ganacsiga Bulshada.

Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in aan la aqbalin doonin dadka shacabka ah lagu dhibaateeyo wadooyinka ku yaalla agagaarka  degmada Caabudwaaq.

Ciidanka Ammaanka mamulka Galmudug ayaa dhawaan howlgal ka fuliyay degaanada ay yaallaan isbaarooyinka, waxaana ay gacanta kusoo dhigeen qaar ka mid ah kooxihii dhigtay oo dadka shacabka ah ka qaadayay lacag baad ah.

Qaar ka mid ah Wadooyinka ku yaalla degaanada maamulka Galmudug ayaa inta badan waxaa isbaarooyin dhigta Maleeshiyo beeleed.

Like it? Share it!

Leave A Response