Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM & faah faahin laga helayo

by admin | Monday, Jun 15, 2020 | 439 views

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ee ku sugan Gobolkaa qaraxyo Maanta Barqadii lagula eegtay deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Qaraxyada oo ahaa miinooyinka dhulka lagu Aaso ayaa la sheegay in Gaadiid ay la socdeen Ciidamada AMISOM lagula beegsaday wadada u dhaxeysa deegaannada Golweyn iyo Buula Mareer ee gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen inay maqlayeen jugta qaraxyada iyo rasaaas farabadan oo qaraxyada kadib ay ridayeen Ciidamada AMISOM balse uu jiro khasaaro ka dhashay,hayeeshee aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxyada kadib ay Ciidamada AMISOM joojiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee wadada u dhaxeysa deegaannada Golweyn iyo Buula Mareer, in kastoo markii dambe ay dib u fureen.

Qaraxyada Ciidamo ka tirsan AMISOM lagula eegtay degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kusoo aadayaa xilli xalay weerar madaafiic ah ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga ay ku leeyihiin Xaafada Xaawa Taako oo ka tirsan degmada Balcad ee G/Shabeellaha Dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response