Qaraxyo Gil Gilay Baqdaad Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

by admin | Thursday, Jan 21, 2021 | 315 views

Labo qarax oo mataano ah ayaa gil-gilay Magaalada Baqdaad ee Caasimadda Dalka Ciraaq, waxaana la soo sheegayaa in dhimasho iyo dhaawac farabadan uu jiro oo Qaraxyadaasi ka dhashay.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay Qarxaasi, General Hazem al-Azzawi oo ah Taliyaha Howlgalada Magaalada Ciraaq ayaa wakaaladda wararka ee Ciraaq ee INA loo yaqaanno u xaqiijiyay.

Waxaa uu sheegay in labada Qarax ay ka dhaceen Suuqa Bab al-Sharji oo u dhaw halka loo yaqanno Tayaran Square .

Like it? Share it!

Leave A Response