Qm oo ku baaqday in la xoojiyo cunaqabeynta hubkab ee saaran Soomaaliya.

by admin | Sunday, Nov 6, 2022 | 324 views

Guddiga khubarada ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira la socodka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya ayaa kula taliyaya golaha ammaanka ee Qaramada midoobay in la ballaariyo shuruudaha liiska cunaqabataynta ee saaran Soomaaliya.

Warbixintii ugu dambeeysay ay Guddiga soo saaareen bilihii September iyo October ku sheegay in tallaabooyinkan ay muhiim u yihiin wax ka qabashada qorshaynta, jihaynta, taageeridda kooxaha xagjiriinta, iyo go’doomintooda dhaqaale ee magaalooyinka Soomaaliya.

Warbixinta ay soo saareen guddigan, waxay kusoo aaday xilli dowladda Soomaaliya oo haatan dagaal kula jirta Alshabaab, ay dhowaan midowga Afrika ka codsatay in laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaran.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay adag tahay si looga guulaysto Alshabaab, iyadoo ciidamadeedu aysan helin hub casri ah oo ay kula dagaalamaan Alshabaab.

Dhawaan, Maraykanka ayaa sidoo kale soo rogay cunaqabatayn ka dhan ah Daacishta Soomaaliya. Maraykanka ayaa cunaqabataynta dulsaaray xubno ka tirsan Daacish iyo kuwa kale oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin shabakad hubka usoo iibisa Shabaab iyo Daacish.

Like it? Share it!

Leave A Response