Qoor Qoor oo sheegay in lagu soo duulay Galmudug una hanjabay Ahlusunna

by admin | Tuesday, Oct 26, 2021 | 267 views

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo ka hadlay dagaalka Guriceel ayaa u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay dagaalkaas.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku tilmaamey wax laga xumaado uu yahay dagaalka ka socda magaalada Guriceel, isagoo ku eedeeyey mas’uuliyada dagaalkaasi ururka Ahlusunnah Waljamaaca.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka warhaayaan dad gadaal ka taagan dagaalka, kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib dhawaana cadeyntooda ay keeni doonaan.

Wuxuu tilmaamey in ururka Ahlu Sunnah, ay u isticmaaleen magacani si aan sax aheyn, oo magacani ay wada leeyihiin ummada Soomaaliyeed.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in xoogaga Ahlusunna ay ka codsadeen inay Guriceel, isaga baxaan, balse taas bedelkeeda ay dhufeysyo ka qoteen degmada Guriceel, wuxuuna sheegay in marmaba aysan aqbaleyn in Galmudug lagu wabsaso qoray iyo awood Ciidan.

Dhanka kale, wuxuu sheegay iney gargaar u fidinayaan dadka ay dhibaatada kasoo gaartey dagaalka Guriceel ee barakaca ku ah duleedka degmadaas, isla markaana arrintaasi ay u xilsaareen Guddi Wasiiro ah.

Like it? Share it!

Leave A Response