Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukun ku riday Rag Ajnabi ah

by admin | Tuesday, Oct 26, 2021 | 230 views

Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa  Maanta shan Sano oo xarig ah ku Xukuntay Matt Bryden Milkiilaha Hay’adda Sahan research, kaas oo maxkamadeyntiisa soo martay heerar kala duwan.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Cabdikhadar Maxamed Xasan oo Warbaahinta u Akhriyay xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamadda ay wax dambi ah ku weeysay 5 kale oo ka tirsan Shaqaalaha Hay’adda esearch.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadkaan maanta xukunka lagu riday oo dhamaantood Ajaanib ah ay yihiin maqanayaal.

Raggan ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa ay horay ugu yeertay inay Maxkamadda hor-yimaadaan 15-kii Bishii Apriil ee sanadkaan, balse ay tegi waayeen, iyada oo qareeno u dooda loo qabtay, balse ugu dambeyn Maanta xukun lagu riday.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay Milkiilaha Hay’adda Sahan research Matt Bryden u jeedisay eedeyn kala duwan, waxaana dalka Soomaaliya inay ka Shaqeeyso laga mamnuucay 18-kii Bsihii December ee sanadkii 2018-kii.

Like it? Share it!

Leave A Response