Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maanta ku sii jeeda magaalada Jowhar

by admin | Monday, Oct 15, 2018 | 827 views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ku wajahan magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hirshabeelle.

Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socotay magaalada Jowhar labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu dhagax dhigo mashaariic laga hirgelinayo magaalada, sida dhismaha wadada isku jirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Hirshabeelle ayaa dhagax dhigi doona dhismaha xarun u yeelanayo Baarlamaanka Hirshabeelle.

Warar ku dhow dhow Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu is-barbar taag u sameyn doono Maamulka Hirshabeelle oo dhowaan heshiis la gaaray dowladda Federaalka, isla markaana ka baxay go’aanadii shirka Kismaayo ee maamul goboleedyada ay xiriirka ugu jareen dowladda Federaalka.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka qeyb qaadanaya amniga Ra’iisul Wasaaraha oo ka baxay magaalada Muqdisho ay gaareen magaalada Jowhar.

Like it? Share it!

Leave A Response