SAADAAL: Man United, Arsenal Iyo Man City Oo Lagu Dhegayo, Liverpool & Chelsea Oo Baxsanaya Iyo Saadaasha Dimitar Berbatov Ee Premier League

by admin | Friday, Aug 18, 2023 | 299 views

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo la ciyaarayo kulamadii labaad ee xilli-ciyaareedka cusub, waxa kasoo bixi dooina natiijooyin waaweyn iyadoo Manchester City, Manchester United, Arsenal iyo Tottenham aanay wax guul ah arki doonin toddobaadkan, sida uu saadaaliyey halyeygii Manchester United ee Dimitar Berbatov.

ADVERTISEMENT

Saddexda kooxood ee toddobaadkii hore guulaha soo hooyey ee Man United, Arsenal iyo Man City ayaa uu Dimitar Berbatov ugu bushaareeyey in ay min laba dhibcood lumin doonaan, taas oo ka dhigan in horyaalka Premier League si buuxda loogala wareegi karayo.

Newcastle oo 5-1 kusoo garaacday Aston Villa ayaa waxay marti u noqon doontaa Manchester City oo iyaduna Jimcihii guul kasoo gaadhay Burnley, halka Arsenal iyo Manchester United ay guulo cidhiidhi ah soo hooyeen.

Berbatov oo saadaalinayay kulamadan ayaa waxa uu ka farxiyey Jurgen Klopp iyo Liverpool oo uu ugu bushaareeyey saddex dhibcood, saddex gool iyo shabaqooda oo nadiif noqonaya, halka Chelsea ay sidoo kale kusoo noqonayso tubta guusha.

ADVERTISEMENT
Saadaahsa Dimitar Berbatov ee kulamada horyaalka usbuucan

Nottingham Forest 2-1 Sheffield United

Liverpool 3-0 Bournemouth

Wolves 1-2 Brighton

Fulham 1-0 Brentford

Spurs 2-2 Man United

ADVERTISEMENT

Man City 2-2 Newcastle

Aston Villa 2-0 Everton

West Ham 0-2 Chelsea

Crystal Palace 1-1 Arsenal

10 Ciyaaryahan Oo Qaliin Isku Qurxiyay – Laacibiin Waa Weyn Ayaa La Kashifay.

Like it? Share it!

Leave A Response