Sidee Ayay Noqonaysaa Shaxda Liverpool Kaddib Heshiiska Wataru Endo? – Akhriso Isbeddelka Ku Dhacaya Khadka Dhexe Ee Reds

by admin | Friday, Aug 18, 2023 | 239 views

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa waqti dambe kaa shaqaysanaysa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, balse waxay haddaba taageereyaashu sii heleen shaxda uu Klopp doonayo inuu ku dheelsiiyo kooxdiisa kulamada soo socda, taas oo uu isbeddel ku iman karo haddii uu helo ciyaartoyda uu doonayo inuu kusoo kordhiyo safkiisa.

ADVERTISEMENT

Liverpool oo uu isbeddel badan ku dhacay xagaagii tegay markii ay si lama filaan ah u go’aansadeen inay Sucuudiga tagaan labada halbowle ee Fabinho iyo Jordan Henderson, si ay kooxdoosu la wiiqantay bixitaanka Naby Keita, Oxlade Chamberlain, James Milner iyo Fabinho, ayaa waxa ay xalay soo dhoweysay ruug-caddaaga areer Japan ee Wataru Endo.

Laacibka reer Japan ayaa boos joogto ah ka helaya Liverpool haddii uu buuxiyo shuruudaha filashada ee ay seeska u yihiin bandhiggiisii horyaalka Bundesliga iyo kooxda Stuttgart ee uu saddexda sannadood bandhigga heerka sare ah ka sameeyey.

Kooxaha horyaalka Sucuudiga oo isku dayaya inay la saxeexdaan Allison Becker ayaanay suurtogal u ahayn, kaddib markii uu u sheegay in qorshihiisu yahay inuu sii joogo Anfield, waxaana uu kusii dhegsanaan doonaa booskiisa goolhayaha koowaad.

ADVERTISEMENT

Waxa kale oo xulashada koowaad ee Liverpool aan lagu qabsan doonin Trent Alexander-Arnold iyo Andy Roberton, halka Ibrahima Konate uu si buuxda ugala wareegay booska Joel Matip oo uu kaa garab ciyaaraya Van Dijk.

Wataru Endo waa kubbad-burburiyaha Liverpool ay qorshaynayso in uu waardiyeeyo difaacyahannada, maadaama ay kooxdu ku guul-darraysatay Moises Caicedo iyo Romeo Lavia, waxaana kasii horreyn doona Dominik Szoboszlai iyo Alexis Mac Allister.

Jurgen Klopp ayaa kala dooranaya saddexda weeraryahan ee Diogo Jota, Darwin Nunez iyo Cody Gakp inkasta oo ciyaartii Chelsea ay xiddigaha reer Portugal iyo Netherlands kusoo bilowdeen weerarka iyo khadka dhexe, halka Nunez uu beddel ku yimid.

Labada garab muran kama gelayo Mohamed Salah iyo Luis Diaz haddii ay taam ahaadaan.

Halkan kaga bogo shaxda Liverpool ku ciyaari doonto:

ADVERTISEMENT

Liverpool XI: Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson; Endo; Szoboszlai, Mac Allister; Diaz, Salah, Jota.

Liverpool XI

10 Ciyaaryahan Oo Qaliin Isku Qurxiyay – Laacibiin Waa Weyn Ayaa La Kashifay!

Like it? Share it!

Leave A Response