“Maanta Laga Bilaabo, Arsenal Ma Laha Goolhaye 1aad…” Mikel Arteta Oo Ka Cadhaysiiyey Aaron Ramsdale

by admin | Friday, Aug 18, 2023 | 200 views

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sharraxay sababta ay kooxdiisu ula saxeexatay goolhaye David Raya oo ay kala soo wareegtay Brighton & Hove Albion iyaga oo haysta Aaron Ramsadale, waxaana uu macallinka reer Spain si dhab ah uga cadhaysiiyey goolhayaha reer England oo bandhig heersare ah ka sameeyey Emirates Stadium xilli-ciyaareedkii tegay.

ADVERTISEMENT

Mikel Arteta waxa uu sheegay in laga bilaabo maanta aanay Arsenal lahayn goolhaye koowaad, isla markaana ay tartan wada geli doonaan Aaron Ramsdale iyo David Raya.

Goolhayaha reer Spain oo ay Arsenal kusoo qaadatay amaah uu iib la soco, ayaa waxa Mikel Arteta oo la weydiiyey sabbabta ay ula saxeexdeen waxa uu ku jawabay: “Waxa uu ciyaartayada kusoo kordhinayaa tayo iyo qaab. Waxa aanu doonaynaa in boos walba aanu ku haysano laba ciyaartoy.

“Waad arkaysaa waxa ku dhacay Jurrien Timber, taas oo kale ayaa ku dhici karaysa goolhayahayaga. Dhowaan waxay sidaas oo kale ku dhacday goolhayaha Real Madrid ee Thibaut Courtois, annaguna xaaladdaas oo kale ayaanu isku diyaarinay.”

ADVERTISEMENT
Mar la weydiiyey goolhayaha koowaad ee Arsenal haddii uu noqonayo David Raya ama Aaron Ramsdale, waxa uu Mikel Arteta ku jawaabay: “Hadda ma lihin goolhaye koowaad. Boos walba waa loo tartamayaa. Ma jiro boos uu ciyaartoy iska leeyahay.”
Like it? Share it!

Leave A Response