Xiddiga Ay Chelsea Ku Fashilantay Oo Ka Caawinaya Liverpool In Ay La Saxeexato Ciyaartoy Uu Raadinayay Jurgen Klopp

by admin | Friday, Aug 18, 2023 | 146 views

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ugu dambayn heshay fursad weyn oo uga timid Chelsea, kaddib markii ay Blues ku fashilantay inay la saxeexato xiddig Premier League ah oo tababre Mauricio Pochettino uu ku darsaday xisaabtiisa, kaas oo Liverpool ka caawinaya inay hesho xiddig uu raadinayay tababare Jurgen Klopp.

ADVERTISEMENT

Kaddib markii ay ka tageen ciyaartooyo badana oo ay ku jiraan Fabinho, Jordan Henderson, James Milner, Alex Oxlader Chaberlain iyo Naby Keita, waxay lasoo wareegtay Alexis Mac Allister oo ay kasoo qaateen Brighton iyo Dominik Szoboszlai oo ay kasoo iibsadeen RB Leipzig.

Toddobaadkii hore, Liverpool madax xanuun ka qaadday suuqa iibka ciyaartoyda waxaana lagu garaacay Moises Caicedo iyo Romeo Lavia oo ka doortay Chelsea, taas oo ku qasabtay Liverpool inay u dhaqaaqdo xiddiga reer Japan ee Wataru Endo oo €19 milyan oo Gini ay kusoo iibsatay.

Waxa kale oo ay Liverpool u dhowdahay inay samayso saxeexii labaad oo khadka dhexe ah oo ay ka doonanayso Crystal Palace waxaana caawinaya laacibka ay Chelsea ku guul-darraysatay ee Michael Olise oo Blues ay heshiis shaqsi ah la gaadhay, sidoo kalena ay diyaar u ahayd inay ka bixiso €35 milyan oo Gini oo lagu burburin karayo qandaraaskiisa, balse daqiiqaddii ugu dambaysay la arkay isaga oo qandaraas cusub u saxeexaya kooxdiisa Crystal Palace.

Laacibkan reer France ayaa waxa joogistiisa Crystal Palace ay fursad u noqotay Liverpool oo la sheegay in loo ogoladay in ay la saxeexato xiddiga khadka dhexe ee Cheick Doucoure oo ah 23 jir u dhashay Mali, kaas oo Palace ay diidi lahayd inay iibiso haddii uu ka tegi lahaa Doucoure.

Crystal Palace ayaa la sheegay in ay Liverpool ku xidhay £60-£70 milyan oo Gini, waxaana Reds laga sugayaa in ay gudbiso dalab rasmi ah inkasta oo diiradda Klopp ay sidoo kale eku jiraan Joao Paulinha oo Fulham ah iyo Khephren Thuram

Like it? Share it!

Leave A Response