Sam Martin Burr oo ah YouTube u dhashay Ingiriiska oo doonaya in uu Soomaaliya usoo guuro.

by admin | Sunday, Sep 17, 2023 | 85 views

Sam of Somalia ama ‘Saamkii Soomaaliya’ waa magaca uu ku isticmaalo baraha bulshada, magiciisa saxda ah waa Sam Martin Burr waxa uu kasoo jeedaa cornwall oo ka tirsan dalka Ingiriiska, waa aabe dhalay labo carruur ah, waxa uu diinta Islaamka kuso biiray isaga oo 17-sano jir ah.

Waxa uu dhowaan booqasho ku tagay Soomaaliya oo uu muddo dhowr sano ah barihiisa bulshada kaga faalloon jiray isaga oo xoogga saari jiray barashada luuqadda Af-soomaaliga.

Sam waxa uu haatan dadka sii baraa luuqadda Af-soomaaliga, waxa uu dadka u sharraxaa micnaha maah maahyooyinka isagoo ku faahfaahinnaya muuqaallo uu soo dhigay bairtiisa bulshada sida Facebook iyo Youtube, sidoo kale waxa uu ku labistaa dharka dhaqanka Soomaalida sida macawiista oo dad badani ay Su’aalo ka weydiiyaan.

Sam oo tagay Soomaaliya waxa uu ka hadlay shan qodob oo soo koobaya waxyaabihii ugu cajiibsanaa ee uu soo arkay muddo lix bilood ah oo halkaasi ku noolaa.

Nolosha maalinlaha ah

Sam 2axa uu shegay in dadka badankood ay subixii halka saac ama 07:00 aroornimo ay u baxaan shaqo ama waxbarasho oo ay aad u yaryihiin dadka guryaha ku hara xilliga salaaddana uu yahay mid go’an oo aan is bedeli sida dalalka qaar ee qurbaha.

Qiimaha maciishadda

Sam ayaa tilmaamay in qarashka kugu baxaya marka ay noqoto nolosha Soomaaliya iyo dalalka kale sida USA, UK IYO Canada ay tahay mid aad u kala duwan.

Waxa uu tilmaamay in qarashka Soomaaliya ee nolosha uu yahay mid aad u yar marka loo eego dalalkan kale iyadoo waliba waxa uu yiri ay kula noolyihiin hooyadaa iyo aabaha ama qaraabada iyo carruurtaada ayeysan noloshu qaali kugu noqoneyn, balse taa badalkeeda waxa uu sheegay in qalabka uu u isticmaalo Youtube-ka ama waxyaabaha kale ee la xiriira baahinta ay ka qaalisantahay Muqdisho dalalkan kale.

Diinta iyo xifdinta Qur’aanka

Saam oo si weyn u faahfaahiyay ahmiyadda Soomaaliya ay u leedahay ku dhaqanka diinta Islaamka ayaa sheegay in Soomaalidu ay aad ugu ficanyihiin ku dhaqanka diinta Islaamka isagoo carrabka ku dhuftay in jiraan qaladaad balse dadka oo dhan aysan ku dhicin dambiyo, waxa uu sheegay in xilliga salaadda ay yar iyo weyba wada xaadiraan isla markaana ay camiraan masaajidda, waxa kale uu si weyn u qeexay in Soomaalidu ay yihin dad badankood xaafidu Qur’aan ah haka uu raaciyay in dumarka Soomaalida ah ay aad ugu ficanyihiin xijaabka iyo asturka oo kaalin weyn ay caalamka kaga jiraan.

Dhanka kale cimilada Soomaaliya ayuu Saam ku tilmaamay in ay tahay mid aan si aad ah isku badalin ama mid aan si deg deg ah isku badalin iyadoo uu sheegay in u badantahay mid diirrimaad leh mararka qaarna roobeysan oo cid kastaa ay la qabn karto.

Iyadoo inta badan dadka ku nool dalalka qurbaha ayaa waxa ay ka cawdaan cunnada sida hilibka oo kale ee waqtiga badan lagu kaydiyo tallaagadaha ama qaboojiyaha, Saam waxa uu sheegay in cunnada ay tahay mid hadda la diyaariyay ama hilib markaasi la qalay oo aan in badan la keydin. Waxa uu sheegay in Soomaaliya uu ka helay hilibka doorada oo si cajiib ah loo farsameeyay isla markaana uusan markii hore fileynin in uu heli doono.

Muuqaal uu soo bandhigay ayaa laga dhex arkayay in mid kamida carruurtiisa la barayay Qur’aanka isagoo isticmaalayay Loox iyo Qad beddelka qalin iyo buug.

Saam ayaa inta uusan tegin Muqdisho waxa uu is weydiinayay in uu heli doono waxyaabaha uu u baahanyahay inta uu Soomaaliya joogo in kale isagoo ka hadlaya ayuu yiri, „inta aanan u safrin Muqdisho waxa aan wacay asxaabteyda Muqdisho, waxa aan weydiiyay in aan heli karo GYM ama meel aan ku jimicsado, masaajid aan ku tukado iyo maqaaxiyo, balse wax waliba waxa y noqdeen sidii aan filayay si kadii fiican” ayuu yiri.

”Waxa aan ka walaacsanaa tegitaankeyga Muqdisho, waxaa aan in badan ka fikirayay in aan baxo iyo inkale, balse markii dambe waan go’aansaday oo tigidkii ayan jartay”, ayuu sii raaciyay.

Saam oo ka hadlaya waxyaabihii uu Muqdisho kasoo bartay ayaa yiri, „Markii aan Muqdisho kasoo laabtay habeen ayaan wada casheyneynay aniga xaaskeyga iyo carruurta, anagoo miiska cashada wada fadhino kuna casheyneyna hilib iyo bariis ayaan miiskii ka waayay moos iyo bisbaas kadibna xaaskii ayaan eegay oo aanku iri moos iyo basbaas ayaan rabaa”.

Saam ayaa haatan soo bandhiga waxyaabihii uu kuso arkay magaalada Muqdisho iyo deegaanno kale oo duleedka caasimadda ah isla markaana uu soo booqday intii uu dalka joogay.

Like it? Share it!

Leave A Response