Soomaaliya oo qeyb ka ah shirweynaha Caalamiga ah ee Baarlamaannada Dhallinyarada Adduunka oo ka furmay Vietnam

by admin | Sunday, Sep 17, 2023 | 134 views

Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Sagaalad ee xildhibaannada dhallinyarada Adduunka oo ka furmay dalka Vietnam.

Shirka ayaa diiradda lagu saaraya doorka dhalinyarada ee xaqiijinta u jeedooyinka horumarka waaro iyadoo la adeegsanayo Tiknoolajiyada casriga ah, iyada oo Xildhibaanada ay ku soo bandhigeen horumada ay gaareen dhallinyarada iyo Arrimaha dowlad dhisidda.

Xildhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo kamid ahaa Xildhibaannadii khudbadda ka jeediyay madasha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta horumarka waara ee dhallinyarada.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an xaqiijinta horumarka waara ee dhalinyarada, waxa ayna ansixisay dhowr sharci oo muhiim u ah si loo gaaro horumar waara,” sida ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul).

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in la gaaro himilooyinka horumarineed ee waara, iyada oo la eegayo dhibaatooyinka ay reebeen abaaraha, Faafida cudurka Karoona iyo isbeddelka cimilada.

Inta uu ku sugan yihiin Xildhibaannada dalka Vietnam waxaa lagu wadaa in kulamo gaargaar ah ay la yeesheen Xildhibaannada ka kala socda dalalka caalamka kuwaas oo qeybta ka ah shirka, iyaga oo xogo ku saabsan dalalkooda isdhaafsan doona.

Like it? Share it!

Leave A Response