Shariif Sh.Axmed “Xaaladdii Dalka uu soo maray yaanan dib loogu celin “

by admin | Saturday, Mar 31, 2018 | 1234 views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlayay Xiisadaha Siyaasadeed ee Dowladda Federaalka dhex muquuraneyso.
Waxa uu sheegay in dalka marxalado kala duwan uu soo maray, maanta loo baahan yahay in aanan dib loogu celin wadadii dheereed ee loosoo maray.
Taasi ayuu tilmaamay in looga gudbi karo in cararada la iska yareeyo, wixii is qabqabsi ahna lagu dhameeyo Shuruucda dalka u taalla ee lagu hago.
Shacabka iyo adduunka ayuu sheegay in laga fakiro waxa ay soomaalida iyo madaxdeeda ka filayaan, lana qaado wax waliba oo berri ceeb keeni karin lagu kala baxo.

Waxa uu soo jeediyay Mustaqbalka Soomaaliya in laga fakiro, iyadoona taasi laga duulayo la adeegsado Xikmad iyo Alle ka cabsi.
Madaxweyne Shariif Sh.Axmed ayaa ku biiraya Mas’uuliyiin, Siyaasiyiin, Qeybaha kala duwan ee Bulshada, Madaxda Caalamka, Wakiilo iyo Mas’uuliyiin kale oo ka walaacsan Xaalka Soomaaliya iyo halka ay ku dambeyn doonto.

Like it? Share it!

Leave A Response