Shir u furmay Madaxda dowladda , Dowlad Goboleedyada & gobolka Banaadir

by admin | Saturday, Apr 3, 2021 | 306 views

Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu shir uga furmay Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka oo ah mid ay Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa uu noqonayaa mid markii ugu horeeysay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay hor-fariistaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Rooble, kaddib saddex todobaad oo Muqdisho ku sugnaayeen.

Ajandaha shirka Maanta ayaa waxaa uu yahay sidii looga heshiin lahaa Ajandaha shirweynaha wada-tashiga doorashooyinka, waxaana Shirka Maanta soo qaban qaabiyay Beesha Caalamka oo cadaadis saartay dhinacyada.

Shirka Maanta uga furmay teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa horudhac u ah shirweynaha wadatashiga doorashooynka, si looga heshiiyo khilaafka doorashada.

Like it? Share it!

Leave A Response