Shirka Midowga Afrika oo ka furmaya Nouakchott

by admin | Sunday, Jul 1, 2018 | 924 views

Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania ayaa lagu waddaa in  maanta uu ka furmo shirka caadiga ah ee Madaxda dowladaha ee Midowga Afrika.

Shirkan caadiga ah ee Madaxda dowladaha ee Midowga Afrika ayaa ka mid ah shirarka Ururka Midowga Afrika, waana shirka labaad ee ururka uu yeesho sanad walba, marka laga soo tago shirka guud ee Madaxweynayaasha ee sanadlaha ah.

Madax kala duwan ayaa shirkaan ka qeyb galaysa sida Madaxweynayaal, Ra’iisulwasaarayaal, Wasiiro  iyo Marti Sharaf lagu cusuumay.

Kulan madaxeedka oo ka qeyb galayaan madaxda Afrika ayaa sidoo kale looga hadlayaa Qorshayaal Muhiim ah oo ay kamid yihiin dib u qaabeynta hey’adaha kala duwan ee ururka midawga Afrika, sidii loo heli lahaa Maaliyad lagu wado howlaha hor-tebinta leh ee Midawga Afrika, nabadeynta iyo amaanka qaaradda, horumarinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda (AfCFTA), sida qaaraddu ay mowqif mideysan uga qaadan laheyd wada xaajoodka Heshiiska Iskaashi ee u dhexeeya Afrika, Caribbean iyo Pacific (ACP) iyo meel marinta Miisaaniyadda Ururka Midawga Afrika ee 2019.

Shirkaan ayaa socon doona Maalmaha 1-2 July sidda ay xaqiijiyeen Madaxda Ururka Midowga Afrika.

Soomaaliya waxaa kaga qeyb galaya Wafdi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Like it? Share it!

Leave A Response