Shirkadda META oo Raali-gelin siisay Dadka garab istaagay Falastiin oo ay u aqoonsatay ‘Argagixiso’

by admin | Sunday, Oct 22, 2023 | 95 views

Meta ayaa raaligelin ka bixisay inay ku dartay liiska “argagixisada” qaar ka mid ah isticmaalayaasha Instagram-ka oo isku tilmaamay inay yihiin Falastiiniyiin.

Meta waxa ay sheegtay in ay xalisay mushkilado “kuwaas oo muddo kooban sababtay fasiraado aan habooneyn oo laga bixiyay qaar kamida wax soosaarkeeda.

“Waxaan si dhab ah uga cudur daaranaynaa in tani dhacday,” ayay u sheegeen BBC-da.

Xaruntu waxa kale oo ay wajahday eedaymo ah in ay caburinayso qoraallada taageerada Falastiiniyiinta intii uu socdo iskahorimaadka Israa’iil iyo Gaza.

Isticmaalayaasha qaar ayaa sheegaya in “waxyaabaha qaar laga mamnuucay” sida in Instagram-ka lagu baahiyo qoraallada Falastiiniyiinta lagu garab istaagayo. Tanina waxa ay keentay in madashan ay dib ugu laabato si loo hubiyo in qoraallada aysan ka muuqan in aysan jecleysan dadka kale.

Isticmaalayaashu waxay sheeganayaan in qoraallada 24-saacadood ah ee ku saabsan sheekooyinka tixraacaya iskahorimaadku ay ka aragti yar yihiin kuwa kale ama aan sida muuqallada kale loo daawan, iyo in akoonadooda aan si fudud wax looga arki karin.

Shirkadda weyn ee tignoolajiyada ayaa qiratay in ay jirto cillad, hase yeeshee waxa ay sheegeen in arrimahaas aysan iyagu wax shaqo ah ku lahayn.

Jahwareerka kadhashay tijaabada

Tani waxay daba socotay qoraallada X, oo hore loogu yaqaannay Twitter, iyo TikTok oo uu qoray isticmaale Instagram kusoo gala @khanman1996 Axaddii kuwaas oo dhaliyay dareen la xiriira fasiraado qaldan oo ka dhashay luuqadda carabiga.

Waxa uu qoray in uu Falastiini yahay, waxa ku xigay calanka falastiiniyiinta iyo ereyga “alxamdulillah” oo af Carabi ah oo Ingiriisi ahaan u turjumaya isla “Alxamdullilah”.

Si kastaba ha ahaatee, markii ay dadku gujiyeen “eeg turjumaada”, daawadayaasha waxaa la tusay tarjumaad Ingiriis ah oo ay ku qoran tahay: “Alxamdullilah, Falastiin waxay u dagaallamayaan xorriyaddooda”.

@khanman1996 waxa uu qoraaladiisa ku sheegay in uusan isagu ahayn Falastiini laftiisa balse uu tijaabiyay khaladka kadib markii cilladan uu u sheegay saaxiib Falastiini ah oo aan la magacaabin.

Waxa uu ku sheegay muuqaal la soo galiyay Instagram-ka kadib markii uu xalliyay arinta in ciladdu ay jirtay ugu yaraan saddex saacadood, isaga oo raaciyay “aniga shakhsi ahaan, xaqiiqda ah in in wax waliba ay isku bedeleen waallii”.

Cabashooyinka mamnuucidda

Mamnuucista waxyaabaha qaar waa marka adeegyada khadka tooska ah ay xaddidaan gaarista muuqaalka ama in ay si fudud ku arki karaan isticmaalayaasha kale, badanaa haddii ay ku dhacdo waxaa jira habraacyo.

Instagram-ka ayaa soo saartay qaab sahran dabayaaqadii 2022-kii kaas oo u oggolaanaya dadka isticmaala ay arkaan in wax xayiraad ah la saaray akoonkooda taasoo ka hortagi karta in qoraalladooda ay arkaan isticmaalayaasha kale.

Bella Hadid ayaa sheegtay in laga mamnuucay Instagram kadib markii ay soo dhigtay war ku saabsan iskahorimaadka Israa’ii iyo Gaza sanadkii hore.

Dhawaan, qoraa Pakistani ah oo lagu magacaabo Fatima Bhutto ayaa ku sheegtay barta Instagram-ka in laga mamnuucay qoraallada la xiriira Falastiin, iyada oo taageerayaasheeda ay u sheegeen inaysan arki karin ama ka heli karin sheekada ay usoo bandhigtay.

War qoraal ah oo la soo dhigay X Axadii, agaasimaha isgaarsiinta Meta Andy Stone ayaa waxa uu sheegay in madashu ay ogaatay in “si weyn” ay u yaryihiin dadka ay gaarayaan waxyaabaha qaar ee lagu baahiyo Instagram-ka isagoo sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo xalliyay

Ma ahan markii ugu horeysay

Eedeymihii hore ee Meta ee lagu xakameynayay waxyaabaha u janjeera Falastiin si weyn ayaa loo diiwaangeliyay.

Bishii May 2021-kii, hay’adda samafalka ee Human Rights Watch ayaa Instagram-ka ku eedeysay inuu meesha ka saaray muuqaallo, sawirro iyo faallooyin ku saabsan dhibaatada.

Shirkadda baraha bulshada ayaa sheegtay iyada oo ka jawaabeysa in qoraallada laga saaray “hadallada nacaybka ama calaamadaha qaar” oo ay beddeleen qalabkeeda casriga ah, laakiin waxay u horseeday Meta inay u xilsaarto dib u eegis madax bannaan oo lagu dhexdhexaadinayo waxyaabaha ku jira Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee 2021-kii.

Warbixinta ku dadaalidda xuquuqul insaanka ee shirkada latalinta ee Business for Social Responsibility (BSR) ayaa la daabacay Sebtembar 2022-kii.

Waxay ku soo gabagabaysay: “Falalka Meta waxay u muuqdaan inay saameyn xun ku yeesheen xuquuqda aadanaha iyo xuquuqda isticmaalayaasha Falastiiniyiinta ee xorriyadda hadalka, xorriyadda isu imaatinka, ka qaybgalka siyaasadda, si Flastiiniyiinta ay u wadaagaan awooddooda iyo fikrohooda”.

Khamiistii, Meta iyo TikTok waxa codsiyo rasmi ah u diray Komishanka Yurub si ay macluumaad dheeraad ah uga helaan tallaabooyinkooda lagu xaddidayo faafitaanka macluumaadka iyo waxyaabaha sharci darrada ah ee ka dhashay weerarrada Xamaas.

Like it? Share it!

Leave A Response