Somaliland oo eedeysay Puntland

by admin | Thursday, Dec 27, 2018 | 789 views

Maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyay Puntland in ay abaabuleyso Kooxo maleeshiyaad ah, kuwaasoo loogu tala galay in ay waxyeelo u geystaan Ammaanka degaanada maamulka Somaliland.

Wasiirka Difaaca Somaliland Ciise Axmed Yuusuf Xawar ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka Puntland ay weeraro daandaansi ah ay kusoo qaadaayeen Ciidanka Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Puntland ay sidoo kale Magaalada Laascaanood ay ka waddo dhiilo Colaadeed oo lagu waxyeelanaayo Ammaanka Magaalada, islamarkaana ay Maleeshiyaad ay usoo dirtay Magaalada Laascaanood.

Waxaa ugu baaqay waxgaradka kunool degaanada maamulka Puntland in ay si deg deg ah wax uga qabtaan dhibaatada ay Puntland ka waddo gobolka Sool, hadii kale ay qaadi doonaan tilaabada ku haboon.

Like it? Share it!

Leave A Response