Soomaaliya oo saxiixday heshiiska mamnuucidda tijaabada hubka Nukliyeerka

by admin | Monday, Sep 11, 2023 | 151 views

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay si rasmi ah u saxiixday 8-dii Sebtembar heshiiska caalamiga ah ee hubka Nukliyeerka, taasoo tirada saxiixayaasha ka dhigeysa 187.

Abuukar Daahir Cusmaan oo ah ergeyga joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay, ayaa Soomaaliya u saxiixay heshiiska, halka dhanka kalena uu matalayay David Nanopoulos oo ah madaxa qeybta heshiiska ee xafiiska arrimaha sharciga ee Qaramada Midoobay.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse uu ballanqaaday inuu saxiixayo heshiiska Mamnuucidda tijaabada Nukliyeerka ee loosoo gaabiyo (CTBT), kaasoo kasoo baxay magaalada Vienna 19 June 2023.

“Waan fahamsanahay in saxiixa CTBT uusan ahayn calaamad astaan ah oo keliya balse uu daliil u yahay sida ay nooga go’an tahay nabadda iyo ammaanka caalamka,” ayuu yiri safiirka Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad ay isugu yimaadeen illaa 2,000 oo cilmi-baarayaal ah, saynisyahano ah, teknolojiyaal, aqoonyahanno, wakiilada bulshada, iyo ergo ka socota Saxiixayaasha Dawladaha aduunka oo dhan.

Robert Floyd, oo ah Xoghayaha Fulinta ee Ururka Caalamiga ah ee Tijaabada Nukliyeerka (CTBTO), oo u safray Soomaaliya Febraayo 2023, ayaa yiri, “Saxiixida heshiiskan, waddanku wuxuu codkiisa ku darayaa baaqa caalamiga ah ee joojinta tijaabada nukliyeerka.”

“Waxaan si qoto dheer uga mahadcelinayaa in Soomaaliya ay horay u sii socoto, si ay ugu hoggaansanto heshiiska CTBT..

Ilaa hadda, 50 ka mid ah 54 gobol ayaa ansixiyay CTBT. Afrika sidoo kale waxaa kuyaala 38 ka mid ah xarumaha CTBT oo gaaraya 303, kuwaas oo ah Nidaamka Kormeerka Caalamiga ah (IMS).

Intii lagu guda jiray booqashadii Soomaaliya bishii Febraayo, Floyd wuxuu la kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaas Xamza Cabdi Barre, iyo Wasiir Abshir Huruuse, kuwaas oo u gudbiyay go’aan adag oo ku saabsan CTBT.

Sidoo kale waxa uu kulamo la qaatay Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macalin, Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Marwo Khadiija Maxamed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Like it? Share it!

Leave A Response