Taliska Booliiska Jubbaland oo ka hadlay halka ay mareyso baaritaanada ku aadan Askarii dilay xaaskiisa

by admin | Saturday, Apr 21, 2018 | 928 views

Taliyaha ciidamada Booliiska maamulka Jubbaland Maxamed Naasir Guuleed ayaa sheegay in ay cadaalad heli doonaan qoyska ay ka geeriyootay haweeney dhawaan Magaalada Kismaayo uu ku dilay ninkii qabay oo ka tirsanay ciidamada Booliiska maamulka Jubbaland.

Maalmihii dambe ayaa waxaa soo baxayay warar kala duwan oo tilmaamayay in uusan xirneen Askarigii dilay haweeneydaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwoo aan waxba ka jirin wuxuuna intaas uu raaciyay”ciddii u baahan in ay aragto ama xaqiijiso xariga askari waan tuseynaa”.

Waxaa kaloo uu yiri shacabka ayaan ugu digayaa wararka beenta ah ee leysla dhax maraayo in ay rumeystaan.

Maxamed Naasir Guuleed taliya booliiska ayaa sidoo kale sheegay in wali ay socdaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceyn, isagoona tilmaamay in dhawaan Maxkamad la soo taagi doonaan Askarigii dilka geystay.

“Way adagtahay kiisaska nuucaan ah oo ku saabsab nin dilay xaaskiisa” ayuu yiri Taliye Maxamed Naasir Guuleed

Like it? Share it!

Leave A Response