war deg deg : Ciidamo Ka Gadooday Jowhar Oo Gaaray Jalalaqsi ee gobolka hiiraan iyo xiisad ka tagan.

by admin | Saturday, Apr 21, 2018 | 943 views

Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsanaa ilaalada madaxtooyada Jowhar oo gadooday ay gaareen magaaladaasi.

Guddoomiyaha degmadan Maxamed Cabdulle Fiidow     ayaa u  sheegay  warbaahinta   in ciidamadan iyo kuwo kale oo iyaga daba socday ay soo gaareen degmada Jalalaqsi, xaaladuna ay tahay mid aad u deggan.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in degmadaasi aanay ka jirin wax xiisad ah, islamarkaana wadahadal u socdo ciidamada soo gadooday iyo sidoo kale kuwa kale ee ka daba yimid si ay dib ugu celiyaan.

Guddoomiye Fiidow ayaa sheegay in taliyaha gurmadka Hirshabelle uu ka dabo yimid ciidamadan gadooday, islamarkaana weli wadahadalka uu socdo.

la soco wixii  soo  kordho

Like it? Share it!

Leave A Response