Wada Hadalka Somalia & Imaaraadka oo Fashil ku dhow iyo Sacuudiga oo Sabab u ah

by admin | Saturday, Apr 21, 2018 | 910 views

Warar hoose   ayaa sheegaya in Dowlada Sacuudiga ay ka gaabineyso Heshiisiinta Soomaaliya iyo Imaaraadka, ka dib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Diblumaasiyiin Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in Sacuudiga uusan hada wax dan ah ka laheyn guul laga gaaro wada hadalada Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxayna taasi ka dambeysay ka dib markii Dowlada Imaaraadka ay soo saartay Qoraal dheer oo ay ku cadeyneyso in aysan raali ka aheyn siyaasada gudaha iyo arimaha dibada ee Sacuudiga.
Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa gabi ahaanba doonaya inuu jaro xiriirka ka dhaxeeya Imaaraadka iyo dalkiisa, waxayna taasi abuuri kartaa cadaawad la dhex abuuranta labada dal oo mudooyinkii ugu dambeeyay saaxiib ahaa.
Si kastaba ha ahaatee rajada laga qabo wada hadalada Soomaaliya iyo Imaaraadka waxay u muuqdaan kuwa aanan guul laga gaari doonin maadaama Sacuudiga uu yahay dal dhowr jeer ku guuleystay inuu kala dhex galo Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Like it? Share it!

Leave A Response