Taliska CXD, AMISOM & Beesha Caalamka oo dejiyay qorshaha sugidda amniga Dalka.

by admin | Friday, Apr 16, 2021 | 310 views

Kulan labo cishe u socday Saraakiil ka kala socotay Xoogga Dalka, AMISOM & Beesha Caalamka ayaa lagu go’aamiyay qorshooyin loogu talagalay in lagu adkeeyo ammaanka guud ee Soomaaliya sida lagu sheegay warka laga soosaaray kulankaas kadib.

Shirka waxaa ka qaybgalay Saraakiil Reer yurub ah oo dhanka amniga & tababarada ka gacansiiya Dowladda Federaalka, qorshaha oo loo kala qaaday saddex qayb waxaa loo dhibay Ciidanka Xoogga Qaranka, AMISOM & Kaalmada Beesha Caalamka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa dalbaday in ficil loo rogo go’aankaan, isla markaana iskaashiga dhinacyadaan uu muhiim u yahay fulinta qorshaha ay dejiyeen sida uu hadalka u dhigya.

“Aniga waxa aan ballanqaadeynaa wax waliba oo kusoo aado Ciidanka SNA, waxaana ka shaqeyneenaa in aan dhaqangeliyo waxkasta oo halkaan kasoo baxa, waqtiga loo qorsheeyay & sida loo qorsheeyay in ay ku dhacdana ku dedaali doono waxa aan rabnaa saaxiibadeena nala shaqeynaya ee qaybaha in dhankooda xoogga ay saaraan natiijada soo baxda” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response