Taliyaasha Milatariga iyo Booliiska oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Taliska Ciidamada ATMIS

by admin | Monday, Jan 15, 2024 | 57 views

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin iyo taliyaha ciidanka booliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la qaatay saraakiisha ugu sareysa ciidamada ATMIS.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa diirada lagu saaray amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale kulanka diirada lagu saaray howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo dhawwaan la filayo in dib loo bilaabo..

Waxaa sidoo kale kulankaan  lagu falanqeeyay doorka ATMIS ee ku saabsan xoojinta amniga dalka iyo caasimadda sidii amnigeeda sare loogu qaadi lahaa, waxaa sidoo kale looga hadlay sidii ATMIS gacan uga geesan laheyd dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa ATMIS ku amaanay doorka ay ka qaateen xasilinta dalka iyo naf-hurnimada ay sameeyeen mudadii ay joogeen dalka.

Shirkaan waxaa goob joog ka ahaa Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahana Madaxa Howlgalka ATMIS Ambassador Mohammed El-Amine Souef iyo Taliyaha Ciidamada Atmis  General Sam Okiding.

Like it? Share it!

Leave A Response