Toogasho saaka lagu fuliyay rag dilal geystay Magaalada Baydhabo

by admin | Thursday, May 18, 2023 | 200 views

Maxkamadda gobolka Baay ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo lagu kala magacaabo Aadam Cali Cabdi oo horey u dilay Marxuum Macalin Daahir Cabdullahi Mukhtar iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Isna dilay Marxuum Jamaal Abdikariin Maadey.

Fagaaraha toogashada Magaalada Baydhabo ayaa saaka looga oofiyay qisaastii dilkii.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa goobjoog ka ahaa fagaaraha xukunka dilka ka dhacayay, waxaa sidoo kale goobtajoogay ehelada dadkii ay dileen ragan saakay la toogtay.

Like it? Share it!

Leave A Response