Cudurka shubanka oo ka dilaacay Waqooyiga Magaalada Kismaayo

by admin | Thursday, May 18, 2023 | 124 views

Wararka ka im aanaya Waqooyiga Magaalaada Kismaayo ayaa sheegaya Xanuuno uu ka mid yahay Cudurka shubanka uu dad badan halkaas uu ku soo ritay

4 qof ayaa saacadihii la soo dhaafaay cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay goob ay degan yihiin qoysas barakacayaal ah halka in ka badan 40 kalena ay la ildaran yihiin cudurkan oo ka dilaacay waqooyiga Magaalada Kismaayo.

Maxamed Cabdi Tabliiq oo ka mid ah Mas’uuliyiinta barakacayaasha ee k u nool duleedka Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaalada Dadka cudurka shuban biyoodka uu soo ritay Waxana uu sheegay bukaanada la xanuunsan cudurka shubanka ay u baahan yihiin dawooyin

Maxamed Cabdi Tabliiq ayaa Wasaarada Caafimaadka Jubland ka dalbaday in ay dawoyin soo gaarsiiso dadkan la ildaran cudurka shuban biyoodka

Like it? Share it!

Leave A Response