RW Xame” Waxaan xoogga saareynaa la dagaallanka musuqmaasuqa.”

by admin | Wednesday, May 17, 2023 | 129 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay xoogga saareyso la dagaallanka musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey shirka Aggaasimeyaasha iyo Maareeyeyaasha Guud ee Dowladda ayaa intaas ku daray in Xukuumaddu mudnaan gaar ah siineyso isla-xisaabtanka.

Wuxuu faray in ay ka miro-dhaliyaan qaraarkii Xukuumadda Dan-Qaran ee adkaynta hufnaanta maamulka iyo maareynta, kaas oo si cad u qeexayey ciribtirka musuqa

Like it? Share it!

Leave A Response