Uganda oo Soomaaliya usoo dirtay 2416-Askari.

by admin | Wednesday, Mar 24, 2021 | 295 views

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay usoo dirtay ciidan gaaraya 2416-Askari oo xoojinaya askarta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM loosoo gaabiyo ee ka kala socda Dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Itoobiya & Kenya.

Abaanduulaha Ciidamada Difaaca Uganda Gen. David Muhoozi ayaa calanka u dhiigay ciidankaan dhan 2416-askari si ay u gutaan waajibaadka saaran kadib markii sanad ay qaateen tababar la xiriira nabad ilaalinta.

Ciidankaan ayaa laga soo qaaday Xero ku taalla Degmada Nakaseke waana goob si gaar ah loogu tababaro ciidanka loo dirayo howlgalka nabad ilaalinta ee ka dhacaya meel ka baxsan waddankooda si ay u aqoon kororsadaan.

Madaxa tababarka Xerada laga soo qaaday Ciidankaan oo lagu magacaabo Gen. Bonny Wolimbwa ayaa sheegay in si feejigan oo qirbad sare ka muuqato ay u dhammeysteen askartaan loosoo diray Soomaaliya tababarka la siiyay.

Munaasabadda satooginta waxaa ka qaybgalay ku xigeenka Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Sam Kavuma, dhankiisa waxa uu sheegay in uu bogaadinayo heerka askartaan oo ah mid sareeya waxa uu rajeeyay in kaalin muuqata ay kusoo kordhin doonaan howlgalka AMISOM.

Uganda waa dalka ugu badan ee dhaqaalaha ka hela ciidamada Nabad ilaalinta, Soomaaliya waxaa ka jooga askar saddex qaab u howlgasha, qaybta koowaad waa Militariga AMISOM, Booliiska & ciidanka gaarka ah ee ilaaliya Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM.

Tirada Ciidan ee Uganda ka socda waxaa lagu sheegaa in ay yihiin 6,000-askari inkasta oo mararka qaar laga badiyo maadaama joogto dalka ay u keento ciidan uga qaado iyada oo qiil ka dhiganeysa isbadalka lexda bil & kan sanadka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response