Ugu yaraan 14 oo ku geeriyootay shilal baabuur oo ka dhacay waqooyi-galbeed dalka Kenya.

by admin | Tuesday, Apr 9, 2024 | 27 views

Ugu yaraan 14-qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen laba shil oo xalay ka dhacay waqooyi-galbeed dalka Kenya, sida ay sheegeen booliiska Kenya.

Taliyaha taraafikada ee gobolka Rift Valley Dorothy Muleke ayaa sheegtay inay saacadu markay ahayd 7:30 p.m. (1630 GMT) markii gaari gaar loo leeyahay oo dulmaray tiro badan oo baabuur ah, uu si fool-ka-fool ah ugu dhacay gaari xamuul ah, kaas oo sababay dhimashada lix qof.

Muleke ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen shil kale oo ay galeen saddex baabuur oo marayay wadada weyn ee isku xirta Nakuru iyo Eldoret.

Muleke ayaa sheegay in shilka labaad uu dhacay abbaare 5:40 subaxnimo (0240 GMT) subaxnimadii hore ee Talaadada goobta lagu magacaabo Ngata blackspot ka dib markii uu ciladoobay baabuurka xamuulka.

In ka badan 1,000 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen saddexdii bilood ee u dambeeyay shilal kala duwan oo ka dhacay dalka Bariga Afrika, sida lagu sheegay tirakoobka rasmiga ah.

Like it? Share it!

Leave A Response